Tuesday, August 11, 2026

DF iyo Q.M oo laga dalbaday in baaritaan ay ku sameeyaan Geerida Janankii lagu muransanaa darajadiisa

Kadib geerida Gen Sheegow Axmed Cali ayaa waxaa isa soo taraya baaqa loo jeediyo dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay baaritaan ku sameeyso sababta uu u dhintay Marxuumka. Sidoo kale madaxdii hore ee dowladda, xildhibaano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gen Sheegow.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray geerida Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in cabashada qoyska Sheegow uu tixgeliyo, isla markaana la sameeyo baaritaan deg deg ah, si loo ogaado duruufaha sababay geerida Jeneraal Sheegow.

Xidhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa qoraal ugu hadlayay geerida Gen Sheegow waxaa uu ku yiri “ Inaalilahi wa inaa ileyhi raajucuun alaah ha u naxariisto Gen. Sheegow Ahmed Ali , geerida Gen. Sheegow mugdi badan baa ku dahaaran, xabsigiiisuna wuxuu ahaa cadaalad daro, Su’aashu waxay tahay Gen. Sheegow matii ilaahay baa utimid mise waa la laahooreeyay.” Sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale ehelada qaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay tuhmayaan caddaaalad dara ah, islamarkaana ay waxaa ay dalbadeen in baaris lagu sameeyo geerida Gen Sheegow.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta ee Mamaulka Hirshabelle Cabdishakuur Shaashaa oo ah ehelada Gen Sheegow ayaa dhankiisa qoraal ku sheegay “ Aniga oo ku hadlaya magaca ehelada Jeneraal Sheegow Axmed Cali, waxaan codsanayaa in baaritaan caafimaad oo heer caalami ah lagu sameeyo xaaladda dhimashada Jeneraalka ka hor inta aan la aasin., Waxaan si degdeg ah u codsanaynaa in hay’adaha Qaramada Midoobey ay naga caawiyaan baaritaankan caafimaad ee ku saabsan dhimashada Jeneraalka. “

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya DR Cali Xaaji ayaa sheegay in Jeneraal Sheegow Axmed Cali uu u geeriyooday cagaarshowga nooca loo yaqaan “B” oo uu muddo dheer la noolaa.

Gen Sheegow ayaa muddo u xirnaa dowladda Soomaaliya,isagoo loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda. Qabashadiisa kaddib, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku jiray xabsiga ku yaalla Muqdisho.

Allaah u naxriistee Gen Sheegow ayaa laguw adaa in maalinta Arbacada lagu aaso Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen Ehelkiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles