Monday, June 8, 2026

Shiinaha oo ku hanjabay inuu dagaal adag la geli doono canshuuraha Trump

Shiinaha ayaa si adag uga jawaabay hanjabaaddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahayd in uu Beijing soo rogi doono canshuur dheeri ah oo 50% ah haddii aanay ka noqon cashuurta aargoosiga ah ee ay ku dhawaaqday Talaadadii.

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa sheegtay in aanay marnaba aqbali doonin waxa ay ugu yeedhay “nooca baad ah oo Maraykanku samaynayo” waxayna ku waxaanay wacad ku martay in ay “dagaallami doonaan illaa dhammaadka.” Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in khilaafkaani uu kordhinayo suurtogalnimada dagaal ganacsiyeed calami ah oo si weyn u saamayn kara dhaqaalaha adduunka.

Canshuuraha cusub waxay sababi karaan in shirkadaha Maraykanka qaarkood oo alaabaha ka keena Shiinahu ay wajahaan canshuur dhan 104%.

Suuqyada intooda badan ee Aasiya ayaa si caadi ah u furmay Talaadada maanta ah, inkastoo Taiwan ay la kulantay hoos-u-dhac kale oo dhan 4%. Suuqyada saamiyada ugu waaweyn Yurub – oo ay ku jirto FTSE 100 ee London – ayaa dhammaantood xidhmay iyadoo 4% hoos-u-dhac ah la kulmay Isniintii.

Xigasho:- BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles