Saturday, August 8, 2026

Dagaal xooggan oo ka socda Soohdinta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

Dagaal culus ayaa ka qarxay maanta meel ku dhow soohdinta u dhexeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah.

Weerarka ayaa billowday kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu beegsaday saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen inta u dhaxeysa deegaannada Ceel Hareeri iyo Aadan Yabaal, Sida ay sheegayaan deegaanka ah, qaraxu wuxuu ka dhacay meel u dhow Ceel Hareeri, kahor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa rasmiga ah, iyadoo ay ciidamada ka hor tageen gaadiidkii qaraxa watay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib uu billowday dagaal culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus iyo rasaas xoogan, iyadoo la maqlayay jugta madaafiic iyo rasaas socotay muddo saacado ah.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socdo islamarkaana labada dhinac ay qasaarooyin kala duwan kala kulmeen, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dhimashada ama dhaawaca ilaa iyo hadda.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay tan iyo bilooyinkii la soo dhaafay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada xuduudka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles