Sunday, August 16, 2026

Dagaallamayaal kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo baydhabo lagu soo bandhigay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al Shabasb, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.

Dhammaan isa soo dhiibayaashaan waxay sheegeen inay si gaar ah uga tirsanaayeen kooxaha ay Al Shabaab ugu yeeraan Jabhadaha, waxaana ku adkaatay nolosha adag ee cadowga duurka ku heysata iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka.

Ragan lasoo bandhigay ayaa sidoo kale sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaatada kooxda Al Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna ugu baaqeen saaxiibadood in ay kasoo goostaan kooxda iskuna soo dhiibaan dowladda.

Magaalada Baydhabo, ayaa marar badan lagu soo bandhigay xubno badan oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab, kuwaa la geeyay xarumaha dhaqancelinta ee la geeyo xubnaha Al Shabaab kasoo taga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles