Wednesday, July 9, 2025

Dawladda Ingiriiska oo xoojisay taageerada dhaqaale ee ay siiso ciidammada Soomaaliya

Dawladda Ingiriiska ayaa xoojisay taageerada dhaqaale ee ay siiso Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo $3.9 milyan oo dheeraad ah ku dartay deeqihii hore, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Muqdisho.

Deeqda Ingiriiska oo la marsiiyo Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan soomalaiya ee UNSOS ayaa sida qoraalka lagu sheegay waxa ay hadda taageertaa 18,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliska.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Ingiriisku uu sannadkii la soo dhaafay kaalin ka gaystay deeqaha cunnooyinka iyo shidaalka la siiyo ciidanka oo ay dheer tahay daadguraynta boqolllaal ka mid ah dhaawacyada askarta.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa ka hadlay deeqdan ayaa yiri:

“Ingiriisku waa saaxiib adag oo Soomaaliya leedahay. Xilligan muhiimka ah, waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo taageero dheeraad oo wax ka tari karta la dagaallanka xagjirka. Waxaan ku dhiirrigelinayaa bah-wadaagta kale in ay taageeraan sanduuqa SSF Trust Fund, si loo garab istaago ciidanka Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.”

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles