Tuesday, July 28, 2026

Dawladda Ingiriiska oo xoojisay taageerada dhaqaale ee ay siiso ciidammada Soomaaliya

Dawladda Ingiriiska ayaa xoojisay taageerada dhaqaale ee ay siiso Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo $3.9 milyan oo dheeraad ah ku dartay deeqihii hore, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Muqdisho.

Deeqda Ingiriiska oo la marsiiyo Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan soomalaiya ee UNSOS ayaa sida qoraalka lagu sheegay waxa ay hadda taageertaa 18,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliska.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Ingiriisku uu sannadkii la soo dhaafay kaalin ka gaystay deeqaha cunnooyinka iyo shidaalka la siiyo ciidanka oo ay dheer tahay daadguraynta boqolllaal ka mid ah dhaawacyada askarta.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa ka hadlay deeqdan ayaa yiri:

“Ingiriisku waa saaxiib adag oo Soomaaliya leedahay. Xilligan muhiimka ah, waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo taageero dheeraad oo wax ka tari karta la dagaallanka xagjirka. Waxaan ku dhiirrigelinayaa bah-wadaagta kale in ay taageeraan sanduuqa SSF Trust Fund, si loo garab istaago ciidanka Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles