Tuesday, March 3, 2026

DEG DEG: Iran oo weerartay saldhigyada Mareykanka ee Qatar & Ciraaq

Iiraan ayaa gantaallo ku weerartay saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay dalalka Qatar & Ciraaq.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan , ayaa ku dhawaaqay inay si toos ah u beegsadeen saldhigga milatari ee  Mareykanka ku leeyahay Qatar ee Al Udeid, halkaasoo ay sheegeen inay la beegsadeen gantaallo wax burburiya.

Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim, ayaa xaqiijisay inay Iiraan si rasmi ah u weerartay saldhigga uu Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar.

CNN, ayaa ku warramaysa inay ciidanka Mareykanka la tacaalayaan weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Iiraan ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Qatar.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa laga soo bandhigay gantaalo duulaya hawada magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar, kaddib weerar gantaallo ah oo Iiraan ku qaaday saldhigga Mareykanka ee ku yaal Qatar.

Qaraxyo ayaa laga maqlaya magaalada Doha ee xarunta Qatar , iyadoo dab weyn laga arkayo hawada Doha , waxay u muuqata in la howlgaliyay nidaamyada difaaca saldhigyada Mareykanka ee ku yaal Qatar, sida ay werisay Al Jazeera.

Golaha amniga qaranka Iiraan ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay, waxay ku sheegeen :”Weerarka aan ku beegsanay saldhigga Al Udeid wuxuu la xiriiraa ciidamada Mareykanka, mana aha mid khatar gelinaya walaalaheen Qatar.”

Wargeyska New York Times, ayaa ku warramay inay Iiraan , ku wargelisay Qatar — weerarka ay ku qaaday saldhigga Mareykanka ee Qatar.

Dalka Imaaraadka Carabta , wuxuu xiray hawadiisa, iyadoo dhawaqa ka diga weerarrada laga shiday dalka Bahrain, kaddib markii Iiraan ay qaaday weerarro ka dhan ah saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dalalka Carabta.

LA SOCO WIXII SO KORDHA..

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles