Wararkii u dambeeyey duqeyntii Iran ka geysatay Qatar & Ciraaq

Golaha ammaanka Iiraan, ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay waxay ku sheegeen inay u adeegsadeen weerarradii Iiraan ay ku qaaday  caawa saldhigyada Mareykanka ee bariga dhexe, gantaallo lagu xiray madaxyo qarxa oo u dhigma qaraxyada bambooyinka uu Mareykanka ku weerarray xarumaha nukliyeerka Iiraan, si ay u muujiyaan jawaab siman oo la jaanqaadaysa weerarkii hore.

FOX NEWS ayaa tabisay in dhammaan weerarada Iran ee ka dhanka ah saldhigyada Mareykanka ee gobalka Barriga Dhexe la sii ogaa, sidaas awgeedna laga soo digtoonaa oo gabi ahaanba diyaaradaha muhiimka ah saacado kahor laga qaaday, loona diyaargaroobay qabashadda gantaalada.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa galabta ku dhawaaqay in ay jawaab cad jirayso, dawladdaha Carabta oo dhan ayaa ilaa hadda cambareeyey weerarada Iran ay ku qaaday wadamada gobalka oo ay ku tilmaamen xadgudub madax banaanidooda ah.

Ciidanka Ilaalada Iran ayaa ku dhawaaqay inay saldhigyada Mareykanka ee mandiqada ku yaala ay ku weerareen Gantaalo, ayna uga dan leeyihiin sidii ay uga jawaabi lahaayeen weerarkii lagu qaaday xarumahooda Nuclear-ka, madaxweynaha Iran ayaa sheegay in meel kasta oo laga soo weeraro ay gaari doonaan.

Saxaafadda barriga dhexe ayaa sheegay in Saldhigga “Al-Udeid” ee Maraykanka ay sadex gantaal ku dhaceen, waxaana howlgalkan ay Tehran ugu magacdartay “Barakooyinka Guusha.”

Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo gantaallada Iiraan ay gaarsiiyeen saldhigga ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Qatar  ee Al Udeid, sida ay Reuters ka soo xigatay labo sarkaal oo Mareykan ah.

Reuters oo soo xiganaysa ilo amni oo Suuriyaan ah ayaa sheegtay in saldhigga Qasrak ee ku yaalla waqooyiga-bari Suuriya, halkaas oo ay joogaan ciidamada Mareykanka, la galiyay xaalad feejignaan sare iyada oo laga cabsi qabo weerar suurtagal ah, kaddib markii Iiraan ay weerartay saldhigyada Qatar iyo Ciraaq uu ku leeyahay Mareykanka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles