Saturday, August 8, 2026

Wararkii u dambeeyey duqeyntii Iran ka geysatay Qatar & Ciraaq

Golaha ammaanka Iiraan, ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay waxay ku sheegeen inay u adeegsadeen weerarradii Iiraan ay ku qaaday  caawa saldhigyada Mareykanka ee bariga dhexe, gantaallo lagu xiray madaxyo qarxa oo u dhigma qaraxyada bambooyinka uu Mareykanka ku weerarray xarumaha nukliyeerka Iiraan, si ay u muujiyaan jawaab siman oo la jaanqaadaysa weerarkii hore.

FOX NEWS ayaa tabisay in dhammaan weerarada Iran ee ka dhanka ah saldhigyada Mareykanka ee gobalka Barriga Dhexe la sii ogaa, sidaas awgeedna laga soo digtoonaa oo gabi ahaanba diyaaradaha muhiimka ah saacado kahor laga qaaday, loona diyaargaroobay qabashadda gantaalada.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa galabta ku dhawaaqay in ay jawaab cad jirayso, dawladdaha Carabta oo dhan ayaa ilaa hadda cambareeyey weerarada Iran ay ku qaaday wadamada gobalka oo ay ku tilmaamen xadgudub madax banaanidooda ah.

Ciidanka Ilaalada Iran ayaa ku dhawaaqay inay saldhigyada Mareykanka ee mandiqada ku yaala ay ku weerareen Gantaalo, ayna uga dan leeyihiin sidii ay uga jawaabi lahaayeen weerarkii lagu qaaday xarumahooda Nuclear-ka, madaxweynaha Iran ayaa sheegay in meel kasta oo laga soo weeraro ay gaari doonaan.

Saxaafadda barriga dhexe ayaa sheegay in Saldhigga “Al-Udeid” ee Maraykanka ay sadex gantaal ku dhaceen, waxaana howlgalkan ay Tehran ugu magacdartay “Barakooyinka Guusha.”

Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo gantaallada Iiraan ay gaarsiiyeen saldhigga ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Qatar  ee Al Udeid, sida ay Reuters ka soo xigatay labo sarkaal oo Mareykan ah.

Reuters oo soo xiganaysa ilo amni oo Suuriyaan ah ayaa sheegtay in saldhigga Qasrak ee ku yaalla waqooyiga-bari Suuriya, halkaas oo ay joogaan ciidamada Mareykanka, la galiyay xaalad feejignaan sare iyada oo laga cabsi qabo weerar suurtagal ah, kaddib markii Iiraan ay weerartay saldhigyada Qatar iyo Ciraaq uu ku leeyahay Mareykanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles