Sunday, February 9, 2025

Degmooyin kaalmaha hore ka galay tartanka ololaha Xus oo la abaalmariyay

Munaasabadd lagu abaalmarinayay degmooyinka kaalmaha hore ka galay tartanka ololaha Xus oo Xaaqo ayaa caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafdladaan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Mudane  Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Dhallinyarada, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Abwaanno iyo marti sharaf kale.

Munasabadan waxaa shahaadooyin iyo abaalmarino lacageed lagu guddoon siiyay degmooyinka kaalmaha hore ka galay ololahaan.

Degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa kaalinta 1-aad ka gashay tartankan, waxaana kaalimaha 2-aad iyo 3-aad kala galay degmooyinka Kaxda iyo Baydhabo. Hal abuurkan oo lagu horumarinayo bilicda degmooyinka dalka, ayaa ah aragti ku dhalatay dhallinyaro Soomaaliyed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles