Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dekeddu si rasmi ah ugu biirtay ururka caalamiga ah ee dekedaha ee International Association of Ports and Harbors (IAPH).
Maamulka dekedda ayaa sheegay in tallaabadan ay farxad weyn u tahay bulshada iyo bahda gaadiidka badda, maadaama ay sare u qaadeyso xiriirka caalamiga ah ee dekedda iyo horumarinta howlaha ganacsiga badda.
Ururka IAPH oo la aas aasay sanadkii 1959 ayaa xaruntiisu tahay magaalada Tokyo ee dalka Japan, waxaana xubno ka ah in ka badan 190 dekedood oo ku kala yaalla 89 dal oo caalamka ah.
Ku biirista ururkan ayaa Dekedda Muqdisho siinaysa fursado ay kaga qayb qaadato shirarka iyo doodaha caalamiga ah ee la xiriira dekedaha, isla markaana ay ula jaanqaaddo tiknoolajiyada casriga ah ee maamulka dekedaha.
Sidoo kale, xubinnimada IAPH waxay ka caawin doontaa dekedda in la xoojiyo is-dhaafsiga khibradaha, ilaalinta deegaanada badda, iyo horumarinta sharciyada iyo habraacyada maamulka dekedaha.
Maamulka dekedda ayaa sheegay in arrintan ay ka tarjumayso dadaallada lagu horumarinayo Dekedda Muqdisho, isla markaana kor loogu qaadayo doorkeeda ganacsi ee gudaha dalka iyo caalamkaba.


