Tuesday, March 3, 2026

DF oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Xerada Damaanyo ee Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed rasmi ah kasoo saartay qaraxii saaka ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidanka Damaanyo ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof naftiisa haligay, balse ciidanka ilaalada xerada ay ka hortageen in falkaasi sababo khasaare baaxad leh. Qaraxa ayaa dhacay saacaddu markay ahayd abaare 09:20am, xilli dad shacab ah oo isugu jiray dhalinyaro doonaysay inay ku biiraan ciidanka ay ku sugnaayeen agagaarka xerada.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa intaa ku dartay in hay’adaha amniga ay wali wadaan baaritaanno iyo xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay sugaan wararka rasmiga ah ee kasoo baxa laamaha amniga.

“Ciidanku waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo dhameystiran laga soo saari doono qaraxa goor dhow.

Qaraxan ayaa imanaya xilli ay korodhay feejignaanta amni ee caasimadda, waxaana wali socda baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay qaraxa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles