Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay maanta ka hortagtay isku day tahriibin ah oo lagu doonayay in gabar Soomaaliyeed si sharci darro ah loogu dhoofiyo dalka Liibiya.
Baaritaan iyo hubin ay sameeyeen saraakiisha Hay’addu ayaa lagu xaqiijiyay in gabadha laga soo tahriibinayay magaalada Laascaanood ay la socdeen shaqsiyaad ku lug leh falal tahriibin, kuwaas oo isku dayay in si khiyaano ah loogu sameeyo dukumintiyo safar.
Kiiska ayaa si waafaqsan habraacyada sharciyeed loogu wareejiyay Laanta Baarista Dembiyada ee CID, si loo sii amba-qaado baaritaanka loona qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan.
Hay’addu waxay mar kale uga digaysaa bulshada Soomaaliyeed khatarta tahriibinta, waxayna adkaynaysaa in la sii xoojin doono la dagaalanka shabakadaha tahriibiyeyaasha.


