Tuesday, April 14, 2026

Israa’iil oo aqbashay in Safiirka ay Somaliland u magacowday dalkeeda

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay in Dr. Maxamed Xaaji uu noqdo safiirkii ugu horreeyay ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, sida lagu sheegay qoraal ay barta X ku daabacday wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil.

Danjiire Dr. Maxamed Xaaji, haatan waa la taliyaha Madaxweynaha Somaliland, waxana uu ka mid ahaa saraakiishii hormuudka u ahaa xiriirka ka dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland sannadkii 2025 oo dhan, ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Safiirka Israeli ayaa dhawaan loo magacaabi doonaa Somaliland – taas oo ah tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Israa’iil qoraalka kuma shaacin xiliga rasmiga ah ee ay safiir u soo magacaabi doonaan Somaliland.

“Waxaa intaa dheer, toddobaadkan, hay’adda MASHAV, oo ah Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Israa’iil ku qaban doonta koorso loogu talagalay in lagu caawiyo dhismaha, horumarinta, iyo qorsheynta qaybta biyaha ee Somaliland, iyo in la xoojiyo iskaashiga xirfadeed ee ka dhexeeya labada dhinac.

Kaddib markii ay Somaliland shaacisay in ay magacowday danjire u fadhiyi doona Israel, ayaa Tel Aviv dhankeeda waxa ay goor dhawayd in ay safiir u soo diri doonto Somaliland.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa lagu sheegay in tallaabada safiirka cusub ee oo dhawaan la magacaabi doono ay noqon doonto mid horusocod u ah labada dal, sida qoraalka lagu sheegay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles