Tuesday, April 14, 2026

Madaxweyne Geelle oo Cambaareeyay Saldhigga Israa’iil ee Berbera

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan ku qoray Jeune Afrique si cad uga hadlay arrimaha ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya.

Geelle ayaa sheegay in ujeedada Israa’iil ay tahay in ay ka faa’iideysato dhulka Somaliland iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, wuxuuna tilmaamay in maamulka Somaliland uu diyaar u yahay in uu wax walba siiyo Netanyahu si uu u helo aqoonsigaas. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka digay saldhig milatari oo ay Israa’iil ka samaysatay Berbera, isagoo sheegay in taasi ay tahay arrinta ugu weyn ee laga baqayo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale cambaareeyay doorka Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay hormuud ka yihiin taageerada Israa’iil ee gobolka, islamarkaana ay abuuraan khilaafaad ka jira Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, Libya iyo meelo kale.

Geelle ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland, gaar ahaan Cabdiraxmaan Cirro, madaxweynaha Somaliland, isagoo sheegay:

“Xiriirku waa qabowyahay. Jabuuti ayaa diiday in ay la kulanto ama telefoon ka qabato Cabdiraxman Cirro. Xadka weli wuu furan yahay, balse duulimaadyadii hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Hargeysa waa la hakiyay.”

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku adkeystay in falsafada hoggaamiyeyaasha Somaliland muddo 34 sano ah lagu soo koobayo hal war: “Haba yaraatee agoonsi aan helno, xitaa haddii ay tahay mid shaydaan,” isagoo caddeeyay in Jabuuti aysan raacsaneyn in gobolka iyo Soomaaliya laga abuuro dhibaato siyaasadeed.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka si adag uga horyimid aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland, taas oo ay ku tilmaantay wax aan la aqbali karin, oo ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya, axdiga Midowga Afrika, iyo xeerarka caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles