DFS oo bilowday baaris ku aadan gabar laga keenay Laascaanood oo loo dhoofin rabay Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay maanta ka hortagtay isku day tahriibin ah oo lagu doonayay in gabar Soomaaliyeed si sharci darro ah loogu dhoofiyo dalka Liibiya.

Baaritaan iyo hubin ay sameeyeen saraakiisha Hay’addu ayaa lagu xaqiijiyay in gabadha laga soo tahriibinayay magaalada Laascaanood ay la socdeen shaqsiyaad ku lug leh falal tahriibin, kuwaas oo isku dayay in si khiyaano ah loogu sameeyo dukumintiyo safar.

Kiiska ayaa si waafaqsan habraacyada sharciyeed loogu wareejiyay Laanta Baarista Dembiyada ee CID, si loo sii amba-qaado baaritaanka loona qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan.

Hay’addu waxay mar kale uga digaysaa bulshada Soomaaliyeed khatarta tahriibinta, waxayna adkaynaysaa in la sii xoojin doono la dagaalanka shabakadaha tahriibiyeyaasha.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles