Monday, February 23, 2026

DFS oo cambaareysay dad lagu dilay Nigeria

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro argagixiso oo ka dhacay gobolka Zamfara ee dalka Nigeria, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof oo rayid ah, isla markaana lagu afduubtay haween iyo carruur.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda garab istaag ugu muujinayso dowladda iyo shacabka Nigeria, iyadoo tacsi u dirtay qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, una rajeysay dhaawacyada bogsasho degdeg ah.

Soomaaliya waxay ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageertay dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay falalkan.

Dowladdu waxay sidoo kale xustay in dalalka Afrika ay u baahan yihiin midnimo iyo iskaashi si wadajir ah loogu wajaho khatarta argagixisada, isla markaana mudnaanta loo siiyo ilaalinta rayidka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay inuu burburay wadaxaajoodkii ay kula jireen MW Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay...

Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa...

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday Mucaaradka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada...

Maxay ka wadahadlayaan DFS iyo Beesha caalamka?

Sida ay sheegayaan wararka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Abiy Axmed: “Waxaan dhisnay ciidan la dagaallama argagixisada Soomaaliya”

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay dhistay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles