Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad u ah taariikh iyo hiddaha qaran ee Boqortooyada.

Maalintan taariikhiga ah, Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin gaar ah u diraysaa Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan, hoggaanka, dowladda, iyo shacabka Sacuudi Carabiya, iyada oo u rajaynaysa xasillooni waarta barwaaqo, iyo horumar qaran.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u qadarinaysaa xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku dhisan ixtiraam, kalsooni, iyo danaha wadajirka ah. Soomaaliya waxay rajaynaysaa in xiriirkani sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, si loo gaaro horumar guud oo labada dhinac ka wada faa’iideysanayaan.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles