Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay inuu burburay wadaxaajoodkii ay kula jireen MW Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu fashilmay wadahadaladii ay la lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii ay sheegeen in wadaxaajoodkii uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

War-saxaafadeed muddo la sugayay oo ay soo saareen Golaha ayaa lagu sheegay in la isku mari waayay qodobo asaasi ah oo la xiriira wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Goluhu wuxuu sheegay inuu wadahadalka ku galay niyad wanaag, isaga oo doonayay in xal looga gaaro xaaladaha cakiran ee dalka sida abaaraha, culaysyada dhaqaale, kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo hubanti la’aanta ku xeeran mustaqbalka doorashooyinka.

Waxay sidoo kale adkeeyeen inay diyaar u ahaayeen tanaasul kasta oo horseedi kara xasillooni siyaasadeed iyo midnimo qaran.

Si kastaba, Golaha ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay sii waddo wax ka beddel hal dhinac ah oo lagu sameynayo Dastuurka, isla markaana ay cadaadis iyo cabsi gelin ku hayso xildhibaano iyo xubno mucaarad ah. Waxay sheegeen in arrimahaasi ay wiiqeen kalsoonidii wadahadalka.

Qodobada ugu waaweyn ee lagu kala aragti duwanaaday ayaa waxaa ka mid ah:

Golaha oo ku adkaystay in Dastuurka 2012 uu yahay saldhigga sharci ee dalka, wax ka beddelkiisuna u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka Dowladda ay ku adkaysatay inay sii waddo isbeddelka.

Golaha oo dalbaday in doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah loo qabto si waafaqsan dastuurkooda iyo nidaamka federaalka, halka Dowladda ay doonayso in doorashooyinkaas lagu saleeyo dastuur wax laga beddelay oo hoos yimaada guddiga federaalka.

Soo jeedinta Golaha ee ahayd in ka hor 14-ka Abriil la gaaro heshiis siyaasadeed oo cad oo ku saabsan jadwalka iyo hannaanka doorashada Baarlamaanka Federaalka, si loo xaqiijiyo doorasho ku dhacda muddada dastuuriga ah, halka Dowladda ay ku ekaatay talo bixin aan lahayn awood go’aan.

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay inuusan aqbali doonin wax ka beddel dastuur oo hal dhinac ah, doorasho lagu shubto ama muddo kororsi, isagoo sheegay inuu u taagan yahay difaaca dastuurka, nidaamka federaalka iyo doorasho heshiis lagu yahay.

Sidoo kale, Golaha ayaa muujiyay inuu weli diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo lagu gaaro heshiis siyaasadeed ka hor dhammaadka muddo xileedyada dastuuriga ah, si looga hortago firaaq dastuuri ah iyo kala qaybsanaan dalka ku timaada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles