Axmed Madoobe oo tagay Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo Kadib Burburka Wadahadalladii

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kadib muddo laba toddobaad ah oo uu ku sugnaa hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane, wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa xubnihii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee wada-hadalladii burburay la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wadahadalladaas ayaa lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadii u dhexeeyay labada dhinac ay fashilmeen kadib markii aan la isku raacin qodobada la isku mari waayay, isla markaana aysan muuqan tanaasul labada dhinac midkoodna.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay in la dhammeystiro doorashooyinka goleyaasha deegaanka, gaar ahaan maamulada harsan sida Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in marka hore la qabto doorashooyinka maamuladaas, ka dibna laga wada hadlo doorashada heer federaal, si loo helo hannaan lagu wada qanacsan yahay.

Tagitaanka Axmed Madoobe ayaa loo arkaa mid muujinaya in dhinaca mucaaradka ay si rasmi ah uga baxeen wadahadalladii, inkastoo saacadihii la soo dhaafay xubno ka tirsan beesha caalamka ay dadaallo waan-waan ah ka dhex wadeen Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, si loo badbaadiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles