Sunday, March 8, 2026

Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa loogu baaqay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay sii wadaan wadahadalka iyo tanaasulka siyaasadeed, iyadoo lagu tilmaamay in wada-hadalku uu muhiim u yahay xasilloonida dalka.

“Wadahadalka iyo tanaasulka waa arrimo adag, balse waa lama huraan. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan raadinta is-afgarad. Geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan oo Soomaaliyeed wuxuu ka hortagaa argagixisada, xoojiyaa dowlad-dhiska, isla markaana hormariya mudnaanta Soomaaliya iyo tan beesha caalamka.”

Safaaraddu waxay sheegtay in wadahadalka iyo is-afgaradku ay adkaan karaan, balse ay yihiin kuwo lama huraan ah si loo gaaro xal waara. Waxay sidoo kale dhiirrigelisay hoggaanka Soomaaliya in ay sii xoojiyaan geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan.

Bayaan ka soo baxay safaaradda ayaa lagu xusay in hannaan siyaasadeed oo mideysan uu ka hortagi karo argagixisada, xoojin karo dowlad-dhiska, isla markaana hormarin karo mudnaanta Soomaaliya iyo tan beesha caalamka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo u baahan wadahadal iyo is-afgarad si loo ilaaliyo xasilloonida iyo horumarka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles