Wednesday, March 4, 2026

DFS oo Gacanta ku haysa kiisas la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay kiisyo la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso oo kor u dhaafaya 250 kiis, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shabakado maaliyadeed oo ka hawlgala gudaha iyo dibadda dalka.

Xafiisku wuxuu sheegay inuu ku guuleystay inuu xiro in ka badan 3500 akoonti, kuwaas oo si sharci darro ah loogu adeegsan jiray maalgelinta kooxaha argagixisada. Dadaalladaasi waxay horseedeen in la qabto lacag dhan HAL MILYAN oo doolar, taasoo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo la dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Intaa waxaa dheer, xafiisku wuxuu xaqiijiyay in la fashiliyey NUS MILYAN oo doolar oo lagu waday in lagu wareejiyo kooxo argagixiso ah.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu xukumay in ka badan 13 dembiile, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada. Waxaa sidoo kale la eedeeyay in ka badan 50 kiis oo kale, waxaana laga baarayaa eedeysanayaal ka baxsaday dalka, iyadoo lala kaashanayo Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL si loo soo qabto.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles