Waa Sidee saaka Suuq Bacaad kadib dabkii ka kacay

Magaalada Muqdisho waxa saacado badan kaddib lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuq Bacaad kaas oo ku yaala degmada Yaaqshiid.

Waxa la soo weriyay in dabka ay ku dhimatay gabar yar. Dabka ayaa sidoo kale baabi’iyay qaybo ballaaran oo kamid ah suuqa.

Dhanka kale, burbur hantiyadeed oo aan caadi ahayn ayaa laga soo sheegaya suuqa waloow aanan weli la sheegin sheegin khasaaraha hantiyadeed ee uu dabkaasi sababay.

Dabkan oo socday saacado badan ayaa bilowday abaare 5-tii galabnimo ee shalay, kaas oo si fudud ugu fiday qeybaha kale ee suuqa.

Qeybta maacuunta ayaa lagu soo warramaya inuu baa’baay.

Saaka Suuqa Dad badan ayaa buux dhaafiyay, kuwaasi oo isugu jira Ganacsatada suuqa iyo dad shacab ah, waxaa ayna qiimeynayaan dhibaatadii hantidooda ka soo gaartay Suuqa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles