Waa Sidee saaka Suuq Bacaad kadib dabkii ka kacay

Magaalada Muqdisho waxa saacado badan kaddib lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuq Bacaad kaas oo ku yaala degmada Yaaqshiid.

Waxa la soo weriyay in dabka ay ku dhimatay gabar yar. Dabka ayaa sidoo kale baabi’iyay qaybo ballaaran oo kamid ah suuqa.

Dhanka kale, burbur hantiyadeed oo aan caadi ahayn ayaa laga soo sheegaya suuqa waloow aanan weli la sheegin sheegin khasaaraha hantiyadeed ee uu dabkaasi sababay.

Dabkan oo socday saacado badan ayaa bilowday abaare 5-tii galabnimo ee shalay, kaas oo si fudud ugu fiday qeybaha kale ee suuqa.

Qeybta maacuunta ayaa lagu soo warramaya inuu baa’baay.

Saaka Suuqa Dad badan ayaa buux dhaafiyay, kuwaasi oo isugu jira Ganacsatada suuqa iyo dad shacab ah, waxaa ayna qiimeynayaan dhibaatadii hantidooda ka soo gaartay Suuqa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles