DFS oo Gacanta ku haysa kiisas la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay kiisyo la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso oo kor u dhaafaya 250 kiis, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shabakado maaliyadeed oo ka hawlgala gudaha iyo dibadda dalka.

Xafiisku wuxuu sheegay inuu ku guuleystay inuu xiro in ka badan 3500 akoonti, kuwaas oo si sharci darro ah loogu adeegsan jiray maalgelinta kooxaha argagixisada. Dadaalladaasi waxay horseedeen in la qabto lacag dhan HAL MILYAN oo doolar, taasoo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo la dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Intaa waxaa dheer, xafiisku wuxuu xaqiijiyay in la fashiliyey NUS MILYAN oo doolar oo lagu waday in lagu wareejiyo kooxo argagixiso ah.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu xukumay in ka badan 13 dembiile, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada. Waxaa sidoo kale la eedeeyay in ka badan 50 kiis oo kale, waxaana laga baarayaa eedeysanayaal ka baxsaday dalka, iyadoo lala kaashanayo Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL si loo soo qabto.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles