Itoobiya oo ku baaqday in baaris lagu sameeyo xawaalado ay leeyihiin Soomaalida oo ka howlgala Mareykanka

Bangiga qaranka ee Itoobiya ayaa ku baaqay in afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka lagu sameeyo baaris. Bangiga ayaa sheegay in shirkadahan maaliyadeed ay isku dayayaan in ay wiiqaan nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya.

Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay magacyada afarta shirkadood ee lagu eedeynayo in ay shaki geliyeen aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, kuwaasoo la sheegay inay ka hawlgalaan gobollada Maryland, Virginia iyo Minnesota.

Sida lagu sheegay qoraalka, “shirkadahan lacagaha xawila waxa ay ka uruuriyaan lacag jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool Mareykanka, ka dibna waxay u diraan Itoobiya iyo dalal kale”.

Bangiga waxa uu sheegay in “shirkadahan ay xalaaleeyaan lacago sharci darro ah iyo in ay maalgeliyaan howlo aan sharci aheyn”.

Doolarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee la geeyo dalka Itoobiya marka la fiiriyo lacagaha qalaad ee soo gala dalka.

Dowladda waxay isku dayeysay in ay saxdo nidaamka sarrifka suuqa laga soo bilaabo sanadkii hore si loo yareeyo lacagaha qalaad ee suuqa madow.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in go’aankan uu kordhinayo keydka sarrifka lacagta Itoobiya, balse qiimaha suuqa madow ayaa sidoo kale kor u qaadi doona nidaamka.

Dhinaca kale, bangiga wuxuu dacwadeeyay afar shirkadood uu fadhigoodu yahay Mareykanka kuwaas oo lacagaha xawila. Afarta shirkadood ayaa magacyadooda lagu sheegay.

  • Shgey Money Transfer — Silver Spring, MD, and Falls Church, VA
  • Adulis Money Transfer — Falls Church, VA, and Silver Spring, MD
  • Ramada Pay (Kaah) — Falls Church, VA
  • TAAJ Money Transfer — Minneapolis, MN

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles