Hindiya oo ku biirtay dagaal-ganacsiyeedka Maraykanka iyo Ruushka

Xilli muddooyinkii u dambeeyay uu socday dagaal ganacsi oo ka dhashay cashuuraha dheeri ah ee uu dala badan ku soo rogay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa markan waxa soo baxaya hadallo ka soo yeedhaya dawaldda Hindiya oo ku tilmaantay hanjabaadda Trump ee ka dhanka ah Ruushka mid aan caqliga geli karin.

Hadalkan ayaa waxa uu daba socdaa markii dhawaan madaxweynaha Maraykanku uu ku gooddiyay dalkaasi in uu saari doono canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogayo saliidda ay ka soo iibsato Ruushka.

Qoraal uu soo dhigay Truth Social, madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay in uu kordhin doono canshuurahaasi, isaga oo sheegay in Hindiya “aanay dan ka lahayn inta qof ee uu Ruushku ku dilay Ukrayn oo muddo sannado ah ay dagaallo ka socdaan.

Hindiya ayaa hadda ka mid ah kuwa ugu badan ee iibsada saliidda Ruushka. Waxanay indhawaale ahayd suuq ganacsi oo ay Moscow u aragto ahmiyad weyn kaddib markii dhowr waddan oo Yurub ku yaalla ay gooyeen ganacsigii kala dhaxeeyay Ruushka wixii ka dambeeyay markii Ruushku bilaabay in duulaan buuxa uu ku qaado Ukrayn sannadkii 2022.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles