Monday, September 1, 2025

DFS oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhahar ee G/Sanaag

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay dhacdo ay ku tilmaamtay nasiib darro oo ka dhacday degmada Dhahar ee gobalka Sanaag.

Wasaaraddu waxay dhanka kale tacsi u dirtay dadka halkaas ku geeryooday iyadoo caafimaad u rajeysay kuwa ku dhaawacmay.

โ€œWaxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan, sidoo kale bulshada deegaanka iyana waxaan ugu baaqaynaa daganaan iyo Xasilooniโ€, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda

โ€œWasaaraddu, waxay si xushmad leh uga codsanaysaa Isimada Dhaqanka, Culimada iyo Waxgaradku in ay u istaagaan xakamaynta iyo soo afmcerista Xiisadda Dhahar lagana hortago dhacdooyinka nuucaan oo kale ahโ€, ayaa intaa lagu daray.

โ€œWasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Madaxwaynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya colllaadda isla markaana uu dib u celiyo Ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho kuwaas, oo loogu talo galay in ay Khawarijta ladagaalamaan balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan waxtar lahaynโ€, ayaa lagu yiri warqadda ay soo saartay dowladda

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles