Saturday, June 13, 2026

DFS oo ku dhawaaqday shirweyne Qaran oo lagu dhameystirayo Dhismaha Maamulka SSC Khaatuma

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la qaban doono Shirweyne Qaran oo lagu dhameystirayo dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in shirkan la qorsheeyay in uu qabsoomo 10ka bisha July 2025, isla markaana uu yahay mid ka dhashay dadaallo ballaaran oo ay dowladda dhexe ku bixinayso hirgelinta nidaamka federaalka iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah ee heer gobol.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in ay magacaabi doonto Xubno Farsamo, kuwaasoo ka shaqayn doona diyaarinta, qabanqaabada iyo hagidda habsami u socodka shirweynaha. Waxa kale oo ay wasaaraddu baaq u dirtay dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ka soo qeyb galaan shirkan si loo xaqiijiyo dhisme dowladeed oo loo dhan yahay.

Go’aankan cusub ayaa daba socda talo-soo-jeedintii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 6–7 May 2025, iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay safarkii Xukuumadda Federaalka ay ku tagtay Laascaanood 15kii April 2025, kuwaasoo si cad u xusay baahida loo qabo dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo.

Xilli uu soo dhawaanayo shirka ayaa waxaa magaalada Laascaanood ka socda abaabul xooggan, iyadoo musharixiin dhowr ah oo doonaya in ay qabtaan xilka madaxtinimada maamulka ay isa-soo tarayaan, kuwaasi ku qulqulaya magaaladaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay in la dhiso maamul sal adag leh oo metela rabitaanka shacabka deegaanka.

WARARKII KALE

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Hirshabelle

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles