DFS oo ku dhawaaqday shirweyne Qaran oo lagu dhameystirayo Dhismaha Maamulka SSC Khaatuma

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la qaban doono Shirweyne Qaran oo lagu dhameystirayo dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in shirkan la qorsheeyay in uu qabsoomo 10ka bisha July 2025, isla markaana uu yahay mid ka dhashay dadaallo ballaaran oo ay dowladda dhexe ku bixinayso hirgelinta nidaamka federaalka iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah ee heer gobol.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in ay magacaabi doonto Xubno Farsamo, kuwaasoo ka shaqayn doona diyaarinta, qabanqaabada iyo hagidda habsami u socodka shirweynaha. Waxa kale oo ay wasaaraddu baaq u dirtay dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ka soo qeyb galaan shirkan si loo xaqiijiyo dhisme dowladeed oo loo dhan yahay.

Go’aankan cusub ayaa daba socda talo-soo-jeedintii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 6–7 May 2025, iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay safarkii Xukuumadda Federaalka ay ku tagtay Laascaanood 15kii April 2025, kuwaasoo si cad u xusay baahida loo qabo dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo.

Xilli uu soo dhawaanayo shirka ayaa waxaa magaalada Laascaanood ka socda abaabul xooggan, iyadoo musharixiin dhowr ah oo doonaya in ay qabtaan xilka madaxtinimada maamulka ay isa-soo tarayaan, kuwaasi ku qulqulaya magaaladaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay in la dhiso maamul sal adag leh oo metela rabitaanka shacabka deegaanka.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles