Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay garoonka casriga ah ee Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka, gaar ahaan dhanka duulista hawada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid casri ah oo si buuxda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in mashruucan oo ay hirgelin doonto shirkad Soomaaliyeed uu muujinayo dib u kabashada dalka iyo awoodda shacabka Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay gacanna ku xoreeyaan deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixiaadu, gacanta kalena lagu dhiso kaabeyaasha iyo bilicda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Mudane Maxamuud Aadan Geesood, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Cabdikariin Cabdow Xeydar iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles