Wednesday, August 19, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay garoonka casriga ah ee Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka, gaar ahaan dhanka duulista hawada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid casri ah oo si buuxda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in mashruucan oo ay hirgelin doonto shirkad Soomaaliyeed uu muujinayo dib u kabashada dalka iyo awoodda shacabka Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay gacanna ku xoreeyaan deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixiaadu, gacanta kalena lagu dhiso kaabeyaasha iyo bilicda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Mudane Maxamuud Aadan Geesood, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Cabdikariin Cabdow Xeydar iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles