Thursday, April 30, 2026

MW Xasan Sheekh oo gaaray deegaanka Haawaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka.

Madaxweynaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, iyo mas’uuliyiin kale.

Safarkan ayaa ah mid mashaariic horumarineed oo waaweyn oo laga hirgelinayo deegaanka Haawaay, kuwaas oo ka mid yihiin, Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah, Dekad Cusub, iyo Xarunta Dayax-gacmeedka  kaas oo lagu wado inuu xoojiyo isku socodka gobolka iyo dalka intiisa kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray goobta laga dhisayo garoonka iyo dekada, isagoona warbixin ka dhageysan shirkada dhismaha ka wada deegaanka Haawaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Wixii ku soo kordha la soco.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles