Wednesday, August 19, 2026

R/W hore ee Soomaaliya C/weli Gaas oo loo magacaabay Ergeyga Midowga Afrika ee Koofurta Suudaan

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, islamarkaana soo noqday Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan dalka Koonfurta Suudaan.

Magacaabistan oo lagu shaaciyay warqad rasmi ah oo uu saxiixay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa lagu xusay in magacaabistu tahay mid lagu muujinayo kalsoonida lagu qabo khibradda, hoggaaminta, iyo kartida diblumaasiyadeed ee Dr. Cabdiweli Gaas.

Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku yiri:
“Aniga oo ku hadlaya magaca Guddiga Midowga Afrika iyo magacaygaba, waxaan kuu rajeynayaa guul iyo horumar howlaha cusub ee lagu aaminay, anigoo kuu muujinaya taageeradayda buuxda.”

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa horey u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sanadihii 2011–2012, waxaana kadib uu hoggaamiyay maamulka Puntland muddo shan sano ah (2014–2019), isagoo intaasi lagu xusuusto dadaallo diblumaasiyadeed iyo kobcin dhanka maamulka ah.

Magacaabistiisa ayaa timid xilli Koonfurta Suudaan ay weli wajahdo xaalado siyaasadeed oo cakiran  iyo baahi loo qabo dhexdhexaadin iyo xasillooni siyaasadeed oo joogto ah.

Doorarka wakiilka Midowga Afrika waxaa ka mid ah fududeynta wada hadallada, korjoogteynta heshiisyada nabadeed iyo dhisidda xiriir qaran oo xooggan.

Waxaa la filayaa in Dr. Cabdiweli uu dhowaan si rasmi ah u bilaabo shaqadiisa cusub ee uu ku matalayo Midowga Afrika gudaha Suudaanta Koonfureed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles