Wednesday, August 19, 2026

MW Deni oo amar ku bixiyay in ciidanka cabashada ka muujiyay daryeel la’aanta loo soo raro Garoowe

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa amray in Ciidamada cabashada ka muujiyay daryeel la’aanta caafimaad loo soo raro magaalada Garoowe, lana hubiyo xaaladooda caafimaad, daryeel iyo wixii baahidooda ah, Guddiga daryeelka Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaana ka hawlgalay, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Sidoo kale warka ayaa lagu yiri ” Guddiga daryeelka Ciidamada Hawlgalka kujira ayaa tan iyo illaa markii hawlgalka bilowday u taagnaa caafimaadka iyo daryeelka Ciidankeenna geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka, kuwaasi oo lagu daweynayo dalka, Iyadoo kuwa dalka wax looga qaban waayona loo diray dalalka Itoobiya iyo India, oo weli Ciidanka qaar ku lagu daaweynayo”.

Warka ayaa ku soo aadaya xili maanta ciidamada ku soo dhaawacmay dagaalka ka socda Buuraleyda Calimiskaad ay banaanbax cabasho ah ka dhigeen Magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanayay daryeel la’aan caafimaad, waxayna xirteen wadada laamiga ah ee hormarta isbitaalka guud ee Boosaaso, Waxayna ku eedeeyeen guddigii Taakuleynta ciidamada ee Puntland in ay lunsadeen dhaqaalihii shacabka Puntland ugu dhiibeen ciidamada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles