MW Deni oo amar ku bixiyay in ciidanka cabashada ka muujiyay daryeel la’aanta loo soo raro Garoowe

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa amray in Ciidamada cabashada ka muujiyay daryeel la’aanta caafimaad loo soo raro magaalada Garoowe, lana hubiyo xaaladooda caafimaad, daryeel iyo wixii baahidooda ah, Guddiga daryeelka Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaana ka hawlgalay, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Sidoo kale warka ayaa lagu yiri ” Guddiga daryeelka Ciidamada Hawlgalka kujira ayaa tan iyo illaa markii hawlgalka bilowday u taagnaa caafimaadka iyo daryeelka Ciidankeenna geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka, kuwaasi oo lagu daweynayo dalka, Iyadoo kuwa dalka wax looga qaban waayona loo diray dalalka Itoobiya iyo India, oo weli Ciidanka qaar ku lagu daaweynayo”.

Warka ayaa ku soo aadaya xili maanta ciidamada ku soo dhaawacmay dagaalka ka socda Buuraleyda Calimiskaad ay banaanbax cabasho ah ka dhigeen Magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanayay daryeel la’aan caafimaad, waxayna xirteen wadada laamiga ah ee hormarta isbitaalka guud ee Boosaaso, Waxayna ku eedeeyeen guddigii Taakuleynta ciidamada ee Puntland in ay lunsadeen dhaqaalihii shacabka Puntland ugu dhiibeen ciidamada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles