Tuesday, March 3, 2026

DFS oo ku dhawaaqday shuruud Cusub oo Socdaalka la Xiriira

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaasi oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay’adood iyo qorsheyaasha ku saabsan adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Maareeyaha NIRA Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde), Agaasimaha Guud ee HSJ Mustaf Dhuxuloow, iyo howlwadeeno ka kala socday labada hay’adood.

Ujeeddooyinka kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Hirgelinta adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka marka la codsanayo Baasaboorka.
  2. Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga.
  3. Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
  4. Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA.
  5. Dhisidda hannaan wadajir ah oo adeegyada lagu mideynayo.

Intii uu kulanka socday, waxaa si rasmi ah loo go’aamiyay in laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, qof walba oo doonaya baasaboorka Soomaaliya looga baahan yahay inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Sidoo kale, laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, dhammaan socdaallada gudaha dalka waxaa lagu xadidi doonaa Kaarka Aqoonsiga, si loo hubiyo saxnaanta xogta muwaadiniinta.

Labada hay’adood ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu mideynayo adeegyada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, si loo gaaro hufnaan, amni xogeed iyo adeeg dowladeed oo casri ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles