Jubbaland oo Colaada xiisada ka jirtta G/Gedo ku eedaysay Masar iyo Eritrea

Maadaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah dowladaha Qaaradda Afrika inay dano siyaasadeed u hurinayaan colaadda ka aloosan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dalalka Masar iyo Eritrea ay dabada ka riixayaan colaadda gobolka Gedo, si ay u gaaraan xuduudka Itoobiya.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida Masar iyo Eritrea iyo marabno in deegaankeena la keeno khilaafaadka dalal kale’, Ayuu yiri Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Dhanka kale Maamulka DFS ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ay muddo 3 cisho ah u qabteen Wasiir Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisu inay isaga baxaan Magaalada Beled-xaawo ee gobolkaasi.

“Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa timid Doolow, odayaasha ayey la kulmeen amar ayey bixiyeen ku aadan Xerada UK ee Beled-xaawo iyo madaxda DFS ee halkaas joogta khaasatan Wasiir Cabdirashiid waqti ayey u qabteen 3 beri ah inuu kaga boxo Beled-xaawo taasi oo wax u dhimaysa derisnimada”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray,”Shirarka ka dhaca Muqdisho & Addis Ababa waxaa naloo sheegaa wadahadal ayaa socda oo meel fiican ayaa wax marayaan Askartuna waxay rabtay ka samaysaa Soomaaliya, arrintaasi Axmed Madoobena wax tari mayso shacabka Gedana laguma khasbi karo.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles