Sunday, May 10, 2026

Ciidanka DFS oo saaka xiray Suuqa Siinaay iyo Barakac hor leh oo socda

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka burburin ka bilaabay Xaafada Suuqa Siinaay ee Muqdisho oo maalmahan ay ka taagneed xiisad xooggan, taasi oo u dhexeysay ciidamada DFS iyo ciidan uu watay Xildhibaan Yaasiin Farey.

Sida uu soo sheegayo weriyaha Risaala, Dad ku sugan agagaarka Siinaay, shacabka deegaanka ayaa loo oggolaaday inay alaabtooda kala baxaan guryahooda, iyadoo la arkayo dad si degdeg ah u daad-gureynaya hanti gaar ah.

Hawlgalka ayaa si rasmi ah u billowday xalay abbaaro 3:00 habeenimo, markaas oo dowladda federaalka ah ay xirtay dhammaan waddooyinka gala xaafadda. Saaka aroortii hore, waxaa la arkayay cagafo waaweyn oo dul istaagay gudaha xaafadda, taas oo muujinaysa in dowladda ay u dhaqaaqday fulinta qorshe muddo laga baaraan degayay.

Ciidamada dowladda ayaa si weyn ugu daadsan waddooyinka waaweyn iyo laamiga xaafadda, iyadoo tirada ciidamada ay aad uga badantahay shacabka weli ku sugan gudaha Siinaay.

WARARKII KALE

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

Waa sidee Saaka xaalka Muqdisho?

Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabareysatay, ciidamo badan oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles