Ciidanka DFS oo saaka xiray Suuqa Siinaay iyo Barakac hor leh oo socda

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka burburin ka bilaabay Xaafada Suuqa Siinaay ee Muqdisho oo maalmahan ay ka taagneed xiisad xooggan, taasi oo u dhexeysay ciidamada DFS iyo ciidan uu watay Xildhibaan Yaasiin Farey.

Sida uu soo sheegayo weriyaha Risaala, Dad ku sugan agagaarka Siinaay, shacabka deegaanka ayaa loo oggolaaday inay alaabtooda kala baxaan guryahooda, iyadoo la arkayo dad si degdeg ah u daad-gureynaya hanti gaar ah.

Hawlgalka ayaa si rasmi ah u billowday xalay abbaaro 3:00 habeenimo, markaas oo dowladda federaalka ah ay xirtay dhammaan waddooyinka gala xaafadda. Saaka aroortii hore, waxaa la arkayay cagafo waaweyn oo dul istaagay gudaha xaafadda, taas oo muujinaysa in dowladda ay u dhaqaaqday fulinta qorshe muddo laga baaraan degayay.

Ciidamada dowladda ayaa si weyn ugu daadsan waddooyinka waaweyn iyo laamiga xaafadda, iyadoo tirada ciidamada ay aad uga badantahay shacabka weli ku sugan gudaha Siinaay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles