DFS oo markale abaabul dagaal ka bilowday G/Sh/Dhexe

Abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ballaaran ayaa ka socda deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa gaaray gobolka, halkaas oo ay ka bilaabeen abaabul iyo dardar-gelin guluf dagaal cusub.

Masuuliyiintan ayaa bulshada deegaanka iyo ciidamada ku boorriyay inay si wadajir ah uga qeyb qaataan howlgalka, iyadoo lagu wargeliyay in la qorsheeyay dagaallo culus oo lagu baacsanayo Al-Shabaab meelaha yar ee ay weli kaga harsan yihiin gobolka.

Waxaa gobolka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xooggan oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo bulshada deegaanka oo si weyn u abaabulan, halka muddooyinkii la soo dhaafay ay socdeen shirar iyo diyaar garow lagu mideynayay ciidanka iyo shacabka.

Shabeellaha Dhexe ayaa hore ugu jiray gobolladii lagu jebiyay Al-Shabaab intii uu socday wajigii koowaad ee dagaalka, balse kooxda ayaa wali ku sugan degaanno kooban oo gobolka ah, taas oo sababtay in dowladda federaalku ku dhawaaqdo wajigaan cusub ee gulufka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles