Xamaas oo aqbashay Xabad joojin

Xamaas ayaa ogolaatay soo-jeedintii ugu dambeysay ee dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee ku saabsan xabad-joojin iyo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha Qasa, sida uu BBC-da u sheegay ilo-wareed ka tirsan kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Soo-jeedintan oo ka timid Masar iyo Qadar ayaa la sheegay inay ku saleysan tahay hindise uu bishii Juun soo bandhigay ergayga Mareykanka ee Steve Witkoff.

Qorshuhu wuxuu dhigayaa in Xamaas sii deyso ku dhowaad kala bar 50-ka la hayste ee Israa’iil – iyadoo 20 ka mid ah la aaminsan yahay inay nool yihiin – kuwaasoo lagu sii deynayo inta lagu jiro xabad-joojinta 60 maalmood ah. Waxaa sidoo kale jiri doona wadahadallo ku saabsan xabad-joojin joogto ah.

Lama caddeyn waxa ay noqon doonto jawaabta Israa’iil, maadaama xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu toddobaadkii hore sheegay in uu ogolaan doono heshiis keliya haddii “dhamaan la haystayaasha hal mar la sii daayo.”

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles