Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegtay in dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay hawlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaarada Gaashaandhiga.

Waxa kale oo lagu xusay in halkaasi lagu dilay ilaa 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo ay hoggaamiyayaal ku jireen.

“Xogta sirdoonka ayaa muujisay in Khawaarijtu ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabbin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose,” ayaa uu warsaxaafadeedku intaasi raaciyay.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles