Saturday, April 11, 2026

DFS oo qaaday talaabo lagu xalinayo colaadda ka taagan degmada Wanla-weyn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo colaadda iyo iskahorimaadyada u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo muhiim ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaal beeleedyada iyo aanooyinka qabiilka ee sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Marwo Saadaad Caliyow, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, iyadoo uu Wasiirku la yeeshay wada-tashi odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Gaaljecel iyo 5-ta Caleemood, kuwaas oo colaaddu u dhaxeysay maalmahii la soo dhaafay.

Inta lagu guda jiray kulanka, Wasiir Cali Xoosh ayaa labada dhinac kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la joojiyo colaadda iyo in la dhiso kalsooni, nabad iyo dib-u-heshiisiin waarta. Wuxuu ku adkeeyay in khasaaraha iyo gumaadka dhacay uu yahay mid aad looga xumaado, isla markaana aan lagu gaari karin xal midnimo iyo horumar keena.

“Qiime weyn ayay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta qofka. Waa waajib in aan dhiirrigelino nabadda, walaaltinimada iyo wada noolaanshaha,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Wasiirka ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada deegaanka in ay si dhab ah uga qeyb qaataan dadaallada nabadeed, isagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka go’an tahay in ay door hoggaamineed ka qaadato dhammeystirka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee gobolka Shabeellaha Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles