Tuesday, July 28, 2026

Kenya oo ku guuleysatay kursigii uu baneeyay Garsooraha Soomaaliyeed Cabdulqawi

Dowaldda Kenya ayaa ku guuleysatay loollan adag oo afar wareeg qaatay, kaas oo lagu tartamayey kursiga ka banaanaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), kadib markii uu xilka ka tagay Garsooraha Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf.

Booskaas muhiimka ah waxaa buuxin doonta Garsoore haweenay ah oo lagu magacaabo Prof. Phoebe Nyawade Okowa, taas oo noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee Kenyan ah ee ka mid noqota garsoorayaasha ICJ ee xarunteedu tahay magaalada The Hague, Netherlands.

Doorashadan oo ka dhacday Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) iyo Golaha Ammaanka (UNSC) ayaa ku dhamaatay afar wareeg oo adag. Kenya ayaa ku guuleysatay 106 cod, halka Sierra Leone, oo si weyn ugu tartantay kursigan, ay heshay 79 cod.

Dalalka Sierra Leone, Nigeria, iyo Ghana ayaa sidoo kale ka mid ahaa kuwa u tartamayay jagadan, balse Kenya ayaa ugu dambeyntii ku adkaatay kadib olole diblumaasiyadeed oo xooggan oo ay waday dhowr bilood.

Kenya ayaa la sheegay in kursigan dadaal badan gelisay sidii ay u heli lahayd kursigan, gaar ahaan kadib markii ay lumisay dacwadii badda ee Soomaaliya ka gudbisay ICJ sanadkii 2021. Guushan ayaa loo arkaa isku day Kenya ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato saameynteedii garsoorka iyo sharciga caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, xeeldheerayaasha arrimaha diblumaasiyadda iyo sharciga caalamiga ah ayaa tilmaamay in inkasta oo guusha Kenya ay tahay mid taariikhi ah, haddana ay jiraan su’aalo ku saabsan ujeeddooyinka dhabta ah ee Nairobi ka leedahay safarkeeda cusub ee ICJ, iyadoo qaar ay rumeysan yihiin in ay u aragto fursad siyaasadeed iyo mid sumcad diblumaasiyadeed.

Prof. Phoebe Okowa, oo ah khabiir sare oo sharciga caalamiga ah, ayaa horey u ahayd xubin ka tirsan Guddiga Sharciga Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (ILC). Waxay qalin-jabisay Jaamacadda Oxford, halkaas oo ay ku dhameysatay D.Phil sanadkii 1994, iyadoo lagu ammaano aqooneeda iyo khibraddeeda ballaaran ee dhinacyada sharciga caalamiga ah iyo xiriirka dawlada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles