Monday, September 1, 2025

DFS oo qeylo dhaan ka muujisay xaalada biniโ€™aadanimo ee ka taagan gobolada Awdal, Hiiraan iyo Gedo

Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta soo saartay warbixin dhameystiran oo muujineysa xaalad biniโ€™aadanimo oo aad u daran oo ka jirta qaybo badan oo dalka kamid ah, gaar ahaan gobollada Awdal, Hiiraan iyo Gedo.

Warbixinta ayaa muujinaysa in abaarta, dagaallada iyo barakaca ay sababeen xaalad halis ah oo u baahan gurmad degdeg ah.

Gobolka Awdal ayaa waxaa saameeyay abaar baโ€™an oo sababtay In ka badan 600,000 qof in saameyn ku timaado, Qiyaastii 264,000 oo qof ayaa si degdeg ah ugu baahan gargaar biniโ€™aadanimo, Magaalooyinka sida daran u saameeyay waxaa kamid ah Borama, Baki, Lughaye, iyo Zeylac, iyadoo la xusay in 98% dadka Borama ay si toos ah u saameeyeen.

SoDMA ayaa sheegtay in dadkaasi ay si degdeg ah ugu baahan yihiin biyo nadiif ah, raashin, daryeel caafimaad iyo adeegyo kale oo aas-aasi ah.

Sidoo kale SoDMA ayaa waxaa ay sheegtay in Weeraradii ka dhacay degmada Maxaas dabayaaqadii Luuliyo 2025 ay sababeen in 23,000 oo qof in ay barakacaan, In ka badan 62,000 qof ayaa kasoo cararay Moqokori, Buulo Burte iyo Jalalaqsi.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu sheegay in 7 xarumood oo caafimaad ayaa xirmeen, iyadoo dhibaato weyn ay kasoo gaartay kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa ayna sheegtay in Dadka barakacay ay wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, iyadoo baahi weyn loo qabo hoy, cunto, biyo iyo daryeel caafimaad.

SoDMA ayaa warbixinteeda waxaa intaasi lagu daray in dagaalladii ka dhacay Beled-Xaawo ay ku barakaceen in ka badan 38,000 qof,ย  28,000 ka mid ah waxay ku barakaceen gudaha Soomaaliya halka 10,000 ay u gudbeen dalka Kenya, halka In ka badan 24,000 qof ayaa halis ugu jira macluul iyo xaalad naf-gooyo ah.

SoDMA waxay ugu baaqday dowladda Federaalka, dawladaha xubnaha ka ah, hayโ€™adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah in si degdeg ah loo bilaabo dadaallo wadajir ah oo wax looga qabanayo xaaladahan sii xumaanaya.

โ€œWaa lama huraan in si wadajir ah loo wajaho xaaladda biniโ€™aadanimo ee taagan, si loo badbaadiyo nolosha shacabka Soomaaliyeed ee nugul,โ€ ayaa lagu yiri baaqa.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles