DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Duulimaadka ee Salam Air dhacdadii gacan-qaadka iyo hab-dhaqankii aan habboonayn ee loo geystay mid ka mid ah shaqaalahooda.

Wasiirka ayaa si cad u cambaareeyey fal kasta oo wax u dhimaya karaamada, sharafta, iyo badqabka shaqaalaha diyaaradaha iyo guud ahaan dadka ka shaqeeya garoomada dalka. Wuxuu hoosta ka xariiqay in hab-dhaqankaas uusan ka tarjumayn nidaamka iyo asluubta Dawladnimo ee Soomaaliya.

Si looga fogaado in falalkan oo kale ay mar kale soo laabtaan, Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada waxay xaqiijinaysaa:

Tallaabooyin Sharci ah: In ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ku habboon oo laga qaadayo cid kasta oo ku lug lahayd falkaas.

Badqabka Garoomada: In kor loo qaadi doono nidaamka ilaalinta iyo nabadgelyada shaqaalaha shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala dalka.

Ixtiraamka Wada-shaqaynta: In la dhawri doono heshiisyada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo shirkadaha duulimaadka ee u adeega shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay mar kale u xaqiijinaysaa Shirkadda Salam Air iyo dhammaan shirkadaha kale ee duulimaadka in si buuxda loo dammaanad-qaaday ammaankooda iyo sharaftooda inta ay ku guda-jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo.

WARARKII KALE

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

Iran oo digniin u dirtay Mareykanka

Afhayeen u hadlay Taliska Sare ee Khatam al-Anbiya ayaa...

Muqdisho oo maanta martigelineysa Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmaya Shirweynaha Madasha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles