Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay socdaan oo lagu doonayo in la isu keeno garabyada kala duwan ee mucaaradka Soomaaliya, iyadoo la raadinayo mowqif siyaasadeed oo mideysan, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo heshiiska siyaasadeed ee dalka.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ay ku dhow yihiin inay yeeshaan wada-hadal lagu xoojinayo isu-soo-dhawaanshaha dhinacyada mucaaradka.
Sidoo kale, waxaa socda dadaallo lagu isu soo dhaweynayo Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo labaduba kamid ah siyaasiyiinta muhiimka ah ee mucaaradka. Warar la helay ayaa sheegaya in wada-xiriirka labada dhinac uu sii socdo, iyadoo la isku dayayo in la helo mowqif mideysan.
Warar hore ayaa xaqiijinaya in Golaha Mustaqbalka iyo garabyada kale ee mucaaradka ay kulamo iyo wadahadallo ka yeesheen sidii loo mideyn lahaa mowqifka siyaasadeed iyo kan doorashada.
Qodobka ugu adag ee weli miiska saaran, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, ayaa ah sidii loo xallin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Farmaajo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore u sheegay in khilaafaad siyaasadeed uu jiray isaga iyo Farmaajo, balse uu muhiim yahay in dadaallada siyaasadeed dib looga sii ambaqaado halka ay istaageen.
Dhanka kale, wada-hadallada mucaaradka iyo Dowladda Federaalka ayaa iyaguna maraya heer xasaasi ah, iyadoo warar cusub ay sheegayaan in dhinacyadu ay ku dhow yihiin heshiis ku saabsan Guddiga Hawsha Kala-guurka Dimuqraadiga, kaas oo door ku yeelan kara diyaarinta geeddi-socodka doorashada.
Haddii la xalliyo khilaafka u dhexeeya Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Farmaajo, waxaa suuragal ah in mucaaradku yeesho mowqif mideysan oo ku wajahan wada-hadallada dowladda iyo mustaqbalka doorashada dalka.


