Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, kaas oo ah Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiirro.

Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo amni oo sii xoogeysanaya. Ajandaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah arrinta Falastiin iyo dagaalka Gaza, xaaladda Qudus, iyo tallaabooyinka Israel ee dhulka Falastiin.

Sidoo kale wasiirradu waxay ka hadli doonaan weerarrada iyo xiisadaha la xiriira Iran, amniga dalalka Carabta, ilaalinta madax-bannaanida dalalka gobolka iyo amniga marin-biyoodka iyo sahayda tamarta ee Khaliijka.

Soomaaliya ayaa si gaar ah uga mid ah qodobada ajandaha shirka, iyadoo Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta ay ka arrinsan doonaan xaaladda Soomaaliya iyo taageerada nabadda iyo xasilloonida dalka.

Wararka kasoo baxay diyaarinta shirka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Soomaaliya lagu daray qodobada laga hadlayo, iyadoo ay barbar socdaan xaaladaha Suudaan, Liibiya, Suuriya, Lubnaan, Yemen iyo Jasiiradaha Qumor.

Waxaa sidoo kale miiska saaran arrimaha la xiriira la-dagaallanka argagixisada, amniga qaranka Carabta iyo xoojinta iskaashiga dalalka Carabta.

Intaas waxaa dheer, shirka waxaa lagu eegayaa warbixinnada Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo fulinta go’aannadii kasoo baxay labadii kalfadhi ee hore, iyo diyaarinta ajandaha shir-madaxeedka 35-aad ee Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qaban doono Sacuudiga.

WARARKII KALE

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

Iran oo digniin u dirtay Mareykanka

Afhayeen u hadlay Taliska Sare ee Khatam al-Anbiya ayaa...

Muqdisho oo maanta martigelineysa Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmaya Shirweynaha Madasha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles