Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dambeysay howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ka sameeyeen deegaanka.

Intii uu socday howlgalka, waxaa la sheegay in lagu burburiyay koox miinooyin dhigayay oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku howllanaa diyaarinta iyo dhigidda miinooyin iyo waxyaabaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayay waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah hawlgallada joogtada ah ee ciidamada Danab iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka wadaan deegaannada Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu wiiqayo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo isu-socodka bulshada.

Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay inay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka.

WARARKII KALE

Puntland oo qorsheynaysa wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurkeeda

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wada qorshe wax-ka-beddel...

Uganda oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu fuliyo go’aanka Maxkamadda Sare

Xiisadda siyaasadeed iyo muranka dastuuriga ah ee ka taagan...

Afar qodob oo ay isku raaceen Mucaaradka iyo taliyeyaasha Ciidamada

Taliyeyaasha Ciidamada Militariga, Booliiska iyo Nabad-sugidda, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda...

Ted Cruz oo mar kale codsaday in la aqoonsado Somaliland

Senetarka caanka ah ee reer Mareykan Ted Cruz oo...

Golaha wakiilada Mareykanka oo joojiyay isku daygii xil-ka-qaadista Xoghayaha Difaaca Mareykanka

Isku day lagu doonayay in xilka looga qaado Xoghayaha...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles