Thursday, January 15, 2026

DFS oo shaaciyay Liiska shirkado iyo xubno Argagixo ah oo macdan qodis ka wada Buuraha Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tallaabooyin dheeri ah oo lagu xakameynayo ka faa’iideysiga sharci darrada ah ee ka socda goobaha macdanta dalka, gaar ahaan gobolka Sanaag oo noqday meel ay ku bataan qodista aan sharciga waafaqsanayn iyo ka ganacsiga macdanta dabiiciga ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayuu si cad u sheegay in wasaaraddu ay gacanta ku hayso liiska shirkado iyo shakhsiyaad si sharci darro ah uga faa’iideysanaya macdanta dalka, gaar ahaan kuwa ku hawlan ka soo saarista macdanta buuraha Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintani aysan ku koobneyn oo keliya howl-wadeeno gaar ah, balse ay jiraan caddeymo muujinaya in kooxaha argagixisada ay qayb ku leeyihiin hawlaha sharci darrada ah, iyagoo dhaqaale ka helaya macdanta si ay u sii wadaan falalka amniga lidi ku ah.

“Waxaan gacanta ku haynaa liiska shirkado sifo sharci darro ah uga faa’iideysanaya macdanta dalkeenna, si gaar ah buuraha gobolka Sanaag. Arrintan waxaa qeyb ka ah shakhsiyaad dano gaar ah leh iyo argagixiso dhaqaale ka sameyneysa,” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.

Wasiirka ayaa xusay in dowladda Federaalka ay diyaarisay qorshe mideysan oo lagu ilaalinayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, isla markaana la qaadi doono tallaabo sharci ah oo ka dhan ah cid kasta oo ku lug leh qodista sharci darrada ah ama nabaad-guur ku haya deegaanka.

Horey maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucay qodista macdanta ee gobolka Sanaag.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada...

DFS oo ka hadashay ciidanka Danab ee ka tagay Puntland ee gaaray Laascaanood

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ciidanka...

Madaxweyne Firdhiye oo amar siiyay ciidanka Danab ee ka yimid Garoowe

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)...

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Madaxda DFS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa ka...

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles