Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu wadaa inuu safar rasmi ah ku tago dalka Imaaraadka Carabta, sida lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Türkiye.

Socdaalkan ayaa imanaya xilli uu meel xun marayo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib go’aanno ay Muqdisho ku joojisay heshiisyo iyo wada-shaqeyn ay hore ula lahayd Abu Dhabi. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn iyo walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajendaha booqashada Wasiir Hakan Fidan, haddana wararka ayaa tilmaamaya in qaddiyadda Soomaaliya ay ka mid noqon doonto qodobada miiska saaran. Arrintan ayaa sii xoogeysatay kaddib markii dhowr habeen ka hor ay wada-hadal taleefan yeesheen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, isagoo taageero ballaaran ka siiya dhinacyada amniga, horumarka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.

Booqashada Hakan Fidan ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa mid xambaarsan dadaallo diblomaasiyadeed oo la xiriira dejinta xiisadda, gaar ahaan tan saameynta ku leh Soomaaliya iyo gobolka guud ahaan.

Dhinaca kale, socdaalkan wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay sidoo kale jiraan khilaafaad iyo loollan siyaasadeed oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, taas oo sii adkaynaysa jawiga diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles