Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa maanta fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Harboole ee gobolka Jubada Hoose, kaas oo si toos ah loogu beegsaday horjoogayaal iyo xubno sare oo ka tirsan kooxdaย Al-Shabaab.
Hawlgalka ayaa lagu dilay xubno Al-shabaab ah oo muddo dheer ku jiray liiska dadka la baadi-goobayo, kuwaas oo ku lug lahaa falal argagixiso iyo afduubyo ka dhacay gudaha dalka iyo wadamada deriska ah.
Intii uu hawlgalka socday, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ay kooxda Khawaarijtu u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.