Tuesday, March 10, 2026

DFS oo sheegtay in Dhammeystirka Dastuurka la kala tashtay siyaasiyinta mucaaradka ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali ayaa sheegay in dhammeystirka iyo ansixinta wax-ka-beddellada Dastuurka Soomaaliya ay tahay guul qaran oo taariikhi ah, taas oo soo afjaraysa muddo dheer oo dalka ku jiray marxalad ku-meel-gaar ah.

Maqaal uu ku qoray shabakadda Al Jazeera ayuu afhayeenku ku sheegay in tallaabadan ay ka mid tahay ballanqaadyadii ugu waaweynaa ee siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, isla markaana ay ka dhigan tahay dhismaha dowlad dastuur ku dhisan oo xasilloon.

Qormada ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991 ku jirtay marxalad adag oo dib-u-dhis dowladeed ah. Inkastoo sanadkii 2012 la ansixiyay dastuur ku-meel-gaar ah, haddana muddo ka badan 14 sano ayuu u baahnaa dib-u-eegis iyo dhammeystir si loo xalliyo khilaafaadyo la xiriira awood qaybsiga dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, maamulka kheyraadka dalka, iyo dhismaha hay’adaha garsoorka.

Afhayeenka ayaa sheegay in Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ugu dambeyn ku guuleystay inuu dhammaystiro dastuurka, taas oo si rasmi ah u soo afjaraysa marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd, isla markaana u gogol xaaraysa dowlad leh sharciyad dastuur oo dhameystiran.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka uu ku saleysnaa wada-tashiyo siyaasadeed iyo bulsho oo ballaaran, isla markaana guddiga dib-u-eegista dastuurka ay tixgeliyeen talooyin badan oo ay soo jeediyeen mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo hadda xubin ka ah Baarlamaanka.

Guddiga ayaa wax ka beddelay qodobbo ka mid ah dastuurka si ay uga jawaabaan talooyinkaas, arrintaas oo lagu sheegay inay xoojisay is-afgaradka siyaasadeed, isla markaana ka dhigtay dastuurka cusub mid ka turjumaya heshiis qaran oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ansixinta dastuurka ay u gogol xaarayso qabashada doorashooyin toos ah oo ku dhisan mabda’a “hal qof, hal cod,” taas oo ah himilo ay muddo dheer sugayeen shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidan cusub oo ku biiray abaabulka ka dhanka ah Lafta gareen

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka...

Dekedda Muqdisho oo ku biirtay ururka caalamiga ah ee dekedaha (IAPH)

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dekeddu si...

Mareykanka iyo Iran yaa soo afjari doono dagaalka ka socda Bariga Dhexe

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka digay muddo kororsi uu sameysto Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles