DFS oo sheegtay in horjooge sare oo AS la dilay iyo Shabakada kooxda oo lagu burburiyay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee gobolka horjooge sare oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu dhacay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, sida lagu sheegay warka.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Khawaarijta, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Khawaarijta ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles