Tuesday, February 10, 2026

MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo markii afaraad maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Wareegii Afraad ee wadahadallada Madashada Mucaaradka ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii ay wadahadallada hakad galeen muddo 20 maalmood oo ka danbeysay codsi ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ku saabsanaa inuu la-tashiyo la yeelanayo madaxda dowladda iyo saaxiibadiisa siyaasadda si xal looga gaaro qodobadda la isku heysto ee Dastuurka.

Madashada mucaaradka oo ku sigtay inay kala jabaan ayaa ogolaaday inay ka Warr sugaan Madaxweynaha ilaa 10-ka Ogost oo maanta ku beegan, waxayna rajo yar ka qabaan horumar laga gaaro wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rajo ku abuuray Madasha Mucaaradka, taasoo ahay inuu diyaar u yahay, ka noqoshada isbedealka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobka afraad ee muranku ka taagan yahay.

Qodobkan ayaa ku saabsan; Cidda dooraneysa Madaxweynaha, qaabka Doorashada, magacaabidda iyo eryida Ra’iisal wasaaraha iyo muddo xileedka dowladda.

Mucaaradka ayaa kaliya ku qancaya inuu madaxweynuhu ka laabto wax ka bedelkii lagu sameeyay Baarlamaanka, balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuusan ka tanaasuli doonin qodobadan, balse uu waqti kale oo dheeraad ah codsan doono.

Xubno ka tirsan Madasha Mucaaradka ayaa noo sheegay in kulanka maanta ay kaliya ka sugayaan madaxweynaha jawaab ku saabsan inuu si cad u aqbalo ka noqoshada wax ka bedelkii dastuurka, haddii ay taasi dhici weydana ku dhawaaqi doonaan go’aankooda.

Kulanka manata ayaa laga cabsi qabaa inuu noqdo kii ugu danbeeyay ee Laba dhinac iyo bilowga dagaal siyaasadeed oo dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka u badan Beeshiisa oo taageero ka heli doona madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Intii ay socdeen wadahallada Madaxweynaha iyo Mucaaradka waxaa dowladda Federaalka ku biiray xubno ka mid ahaa Mucaaradka, iyadoo dowladda Federaalka ay dardar gelisay diiwaan gelinta doorashada halka dhinac ah ee Qof iyo Codka ah.

Sidoo kale waxaa gabagabo maraya dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halka dowladda Federaalka ay Gobolka Gedo ka wado dagaal milateri iyo mid siyaasadeed oo ay ku dooneyso inay ku wiiqo Axmed Madoobe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Xildhibaanada Muxaafadka ah oo maanta ka dooday wax ka badelka Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Cirro oo ka hadlay waxa ay ku badesheen aqoonsiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey...

Xasan Sheekh oo sheegay in wafdi ka socda Mareykanka ay imaan doonaan Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in dhawaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles