Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay, inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen aagga Ceel Cilaan, oo qiyaastii 30 kilomitir dhanka bari ka xigta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen, in howlgalka lala beegsaday kooxda Al-Shabaab oo sida ay sheegeen dhibaatooyin ku hayay dadka deegaankaas.
Intii uu howlgalka socday, waxaa la sheegay in la dilay shan ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana la burburiyay guud ahaan joogitaanka kooxda ee aagaas, sida ay ku soo warrameen ciidamada dowladda.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ahaa dedaallada ciidamada dowladda ee sugidda amniga, iyadoo yoolku yahay ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka.



